4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Madaxda Koonfur galbeed oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa uu maanta magaalada Baydhaba uu kula kulmay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirkaasi joogay Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi.

Kulanka ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid looga hadlay arrimaha la xiriira maareynta abaaraha soo noq noqday ee Soomaaliya, waxa ayna xubnaha la kulmay madaxweyne Laftagareen ay u gaareen Baydhabo daah-furka shirka ka hadalka abaaraha .

Dhinacyada wada-hadlay ayaa isla soo qaaday sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta islamarkaana la isku kaashan lahaa, sida ay sheegeen ilo ku dhow warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa waxa uu ka qeyb-galay munaasaba lagu qabtay Baydhabo oo looga hadlayay {Daah-furka Barnaamijka soo kabashada xasaradaha”, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda qorsheynta ee maamulkaas. Iyadoo ujeedda shirkaas uu yahay sidii loo abuuri lahaa xaalad soo kabasho ah , islamarkaana maamulkaas uu hiigsan lahaa hor’umar.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]