4/17/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Maxamuud Siyad Aadan;'' Ma gudbin doonno gudiyada doorashada ilaa laga fulinayo heshiisyadii hore


 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in aysan gudbin doonin gudiyada doorashada ee laga sugayo inta laga fulinayo ayuu yiri heshiisyadii iyo balanqadyadii ay horey u sameysay dowladda dhexe ee Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in aysan wali fulin heshiisyadii ahaa in gobolka Gedo loo madax-bannaaneeyo dowlad gobolleedka Jubbaland ka hor doorashada, isaga oo sheegay in dowladda dhexe dabacsan tahay in ay iskeed u maamulato doorashada la filayo in ay ka dhacdo  gobolka Gedo.

''Annaga waxeynu rabnaa in marka hore gobolka gacanteena lagu soo celiyo, dowladdu iyada ayaa ka baxday heshiiskii horey aynu galnay, mas'uuliyada arintanna iyada ayaa qaadeysa ayuu yiri'' Maxamuud Siyad Aadan. 

Ma'aha gobolka Gedo oo kaliya sidoo kale Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in dowladda federaalka si guud ugu tumaneyso sharciyadii lagu heshiiyay ee  doorashada oo ay aheyd in laga qeybgalo dhinacyada ay quseyso oo idil, sida siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo si gaar ah u soo qaatay xadgudub uu sheegay in lagu sameeyay guddiyada doorashada gobollada Waqooyi..

''Waa in dhamaan qaladaadka ka jira dhinaca doorashada la saxaa sida guddiyada hadda dhisan oo qeylo badan ka soo yeertay sida guddiyada gobollada Waqooyi oo ay aheyd in loo madax-bannaaneeyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ee federaalku muddo dheerba ma fiicneyn xiriirkooda tan iyo wixii ka danbeeyay doorashadii Axmed Madoobe oo aydowladda ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   














Click here
11/30/2020 9:53 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo la amray in dib dalkiisa ugu laabto.

11/30/2020 8:15 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

11/30/2020 8:13 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay inuu iscasilo guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta golaha barlamaanka.

11/30/2020 6:52 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Ururrada bulshada rayidka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay dajiyaan xaalada iyo hadallada hajabaada ah ee hawadda leysku marinayo ee la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

11/30/2020 4:04 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Buuq iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka ay ka gadoodeen go’aan barlamaanku ka qaatay heshiiska DP world.

11/30/2020 3:21 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Masuuliyiinta garsoorka Somaliland ee gobolka Sool ayaa shaqooyinkoodii hakad u galiyay sababo amni darteed, kadib dilalkii is xigxigay ee loo geystay guddoomiyaha maxkamada gobolka Sool iyo garsoore kale.

11/30/2020 2:48 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) -Rashid Mberesero oo u dhashay dalka Tanzania ayaa lagu waramayaa in uu isku dhax dilay qolka xabsigii uu ku xirnaa oo lagu magacaabo Kamiti Maximum sida laga soo xigtay saraakiisha Kenya.

11/30/2020 1:43 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Beesha Gaaljecel ayaa ku biiray dhaqdhaqaaqa ciidan ee uu hogaamiyo Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo kasoo horjeeda nidaamka lagu dhisay maamulka Hirshabeelle.

11/30/2020 1:11 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah Suuqyada ganacsiga Garowe ayaa saaka albaabada la iskugu laabay iyadoo dad isku abaabulayaan mudaharaad loogasoo horjeedo sicir bararka dollarka iyo maciishada.

11/30/2020 12:06 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay go'aankii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo lagu amray in uu dalkiisa dib ugu laabto.

11/30/2020 12:03 AM EST
Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ayeey xoogagga Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay waxaa ay ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug