4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Dowladda Kenya oo ka hadashay go'aankii lagu eryay safiirkoodii Soomaaliya

 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay go'aankii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo  oo lagu amray in uu dalkiisa dib ugu laabto.

Macharia Kamau  xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Kenya siweyn uga xun tahay tallaabada Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya, isaga oo sheegay in Kenya dib u eegis ku sameyn doonto arintan si xal looga gaaro.

Kamau ayaa yiri'' waxaa qaadi doonaa talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo wanaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal''

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa xumaa xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan Kenya fara-galin arrimaha gudaha ah gaar ahaan deegaannada Jubbaland oo Kenya ay ka joogaan ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]