4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Shil gaari oo geystay dhimasho iyo burbur hantiyeed oo ka dhacay tuulo hoos tagta Qardho
 

Axad, November, 22, 2020 (HOL) -Labo qof ayaa ku dhintay, hanti badana way ku burburtay shil gaari oo xalay ka dhacay tuulada Shire oo katirsan degmada Qardhon ee gobolka Bari Puntland.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen shan gaari oo ku safrayay wadada xiriiisa Bosaso iyo Garowe. Waa shilkii ugu horeeyay ee ay ku lug lahaadaan illaa shan gaari

Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo goobta tagay ayaa sheegay shilkaan inuu u dhacay taxadar la’aan ka timid darawaliinta ka xaynayay baabuurta shilka gashay.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad ugu soo badanayay shilalka gaadiid. Dhawaan ayay ahayd markii shil ka dhacay wadada xiriirisa Garowe iyo Dangorayo uu sababay geerida labo qof.

Saraakiisha waddooyinka Puntland ayaa warbixintooda sanadlaha horey ugu sheegay in dadka shilalka ku dhinta ay ka badan yihiin dadka siyaabaha kale u dhinta.

Masuuliyiinta Puntland waxay eeda koowaad dusha uga tuureen darawaliinta oo lagu eedeeyay inay baabuurta u kaxeeyaan si masuuliyad darro ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]