4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Ciidamada Itoobiya oo magaaladii labaad ka qabsaday xoogagga TPLF

 

Sabti, November, 21, 2020 (HOL) -Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen magaalada lagu magacaabo Adigrat  haatanna ku sii siqayaan magaalada caasimada ah Mekella.

Dhinaca saraakiisha Jabhada TPLF ayaa sheegay intii ay socdeen dagaallada gobolka Adigrat ay ku dhinteen sagaal ruux dad kale oo badanna ay ku barakaceen.

Gobolka Tigrayga waxaa soo food saaray kacdoon tan iyo horraantii bishan November kaddib markii ay ciidamada difaaca Itoobiya weerarreen saldhigyada xoogagga Tigrayga.

Boqolaal ama laga yaabeen kumannaan ayaa dhintay intii ay dagaalladan socdeen, sidoo kale dad ku dhaw 30, 000 oo qaxooti ah ayaa isaga cararay deegaannada dirirtu ka socto.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]