4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Murashixiinta madaxtinimada oo ku eedeeyay dowladda inay diiday in la abuuro jawi doorasho la isku halayn karo
 

Sabti, November, 21 2020 (HOL) - 12 Musharax oo u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ku saabsan sidii loo mideeyn lahaa mowqifka hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa waxay dalbadeen in la helo doorasho la isku aamino karo in ay dalka ka dhacdo.

Murashixiinta waxay dowladda ku eedeeyeen inay diidan tahay in la abuuro jawi doorasho oo la isku halayn karo.

Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda la wadaagayay qodobada shirka ayaa sheegay in murashixiinta dhexdooda is saamexeen ayna ku heshiiyeen isbedel siyaasadeed oo taabagal ah iyo in la helo dowlad sal ballaaran leh.

Murashixiinta waxay cabasho weyn ka muujiyeen guddiyada doorashada ee dowladdu magacowday iyagoo sheegay in ay u howgalayaan maalmaha soo socda sidii wax looga bedeli lahaa gudiyadaas.

Waxay sidoo kale iska fogeeyeen in ay dowladda awooda ku haystaan ayna carqalad galinayaan doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]