3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Qarramada Midoobey'' Waa in la helaan waddo gargaar lagu gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gobolka Tigrayga

 

Sabti, November, 21, 2020 (HOL) -Qarramada Midoobey ayaa walaac xooggan ka muujineysa xaalada bani'aadannimo ee ka jirta gobolka ay dagaalladu ka socdeen ee Tigrayga, waxeyna dalbatay in si KMG loo joojiyo xabadda.

Warka ka soo baxay Qarramada Midoobey ayaa imaneya xili la soo warinayo xaalad bani'aadannimo tii ugu xumeyd oo soo food saartay dadka rayidka ah ee ku go'doonsan deegaannada lagu dagaalamayo.

''Waan in la helaan tub ama dariiq gargaarka loo baahan yahay lagu gaarsiiyo dadka rayidka rayidka ah ee ku dhibaateysan deegaannada ay dirirtu ka socto'' ayeey sheegtay QM.

Laakiiin labada dhinacba waxaad moodaan in aysan marnaba u dhaga-nuglaan baaqyada is daba jooga ah ee ka imanaya hay'addaha caalamiga, iyaga oo taa badalkeeda sii wadda howlgalada militari.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    
















Click here
11/21/2020 2:10 PM EST
Sabti, November, 21, 2020 (HOL) -Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen magaalada lagu magacaabo Adigrat haatanna ku sii siqayaan magaalada caasimada ah Mekella.

11/21/2020 1:29 PM EST
Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay 7 ruux oo ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Korontada Dayax Power Supply xafiiskeeda Baledweyne.

11/21/2020 1:14 PM EST
Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug maanta kaga qeybgalay kulan soo dhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha dhaqanka,wax-garadka iyo maamulka degmada Galdogob.

11/21/2020 10:22 AM EST
Sabti, November, 21 2020 (HOL) - 12 Musharax oo u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ku saabsan sidii loo mideeyn lahaa mowqifka hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa waxay dalbadeen in la helo doorasho la isku aamino karo in ay dalka ka dhacdo.

11/21/2020 9:49 AM EST
Sabti, November, 21, 2020 (HOL) - Dab baaxad leh ayaa baabiiyey guud ahaan dooxada degmada Xuddun ee gobolka Sool shalay gelinkii danbe xalay taas oo illaa haatan baxaysa.

11/21/2020 7:44 AM EST
Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa dhagax dhigay xarunta hay'adda Garsoorka Puntland.

11/21/2020 6:19 AM EST
Sabti, November, 21, 2020 (HOL)- Labo iyo Toban musharax oo garabka mucaaradka ah ayaa goor dhaw waxaa uu shir uga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga arrinsanayaan doorashada dalka ee sanadkan 2020-21.

11/21/2020 6:01 AM EST
Sabti, November, 21, 2020 (HOL) - Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhankiisa soo magacaabay Siddeed xubnood oo ah guddiga doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi [ Soomaliland]

11/21/2020 1:58 AM EST
Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Mudug Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa sheegay in ay dad u hayaan qarax lagu weeraray ciidamo katirsan Puntland oo Roondo ka sameynayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

11/21/2020 12:09 AM EST
Sabti, November, 21, 2020 (HOL) - In ka badan 50 Ardey Soomaaliyeed ah ayaa lagu waramayaa in ay ku go'doonsan yihiin gobolka Ismaamulka Tigreyga gaar ahaan magaalada Mekelle halkaasoo ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF.

11/21/2020 12:02 AM EST
Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hadda ah musharax u taaga xilka madaxweynaha doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa ayaa raalingalin buuxda ka bixiyay weerarkii saddex sano ka hor 17 Dec 2017 lagu qaaday guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.