4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Ardey Soomaaliyeed oo ku xayiran magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya

 

Sabti, November, 21, 2020 (HOL) - In ka badan 50 Ardey Soomaaliyeed ah ayaa lagu waramayaa in ay ku go'doonsan yihiin gobolka Ismaamulka Tigreyga gaar ahaan magaalada Mekelle halkaasoo ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhada

Ardeydan ayaan wax war ah laga helin tan iyo markii ay halkaa ka qarxeen dagaallada, madaama la jaray ama la gooyay isgaarsiintii gobolka.

Qaar ka mid ah ehelada Ardeydan ayaa sheegay in ay walwal gaar ah ka qabaan xaaladooda nabadgalyo madaama aysan wax xiriir ah la laheyn.

Ardeydan ayaa qaarkood waxa ay deeq waxbarasho ku dhiganayeen Jaamacada Mekele ee caasimada gobolka Tigraay. 

Mareykanka ayaa dhawaan ka codsaday dowladda Itoobiya in dib loo soo celiyo isgaarsiinta gobolka si xiriir loola sameeyo dadka ajaanibta ee ku dhibaateysan gobolka ay dagaalladu ka socdaan gaar ahaan muwaadiniinta Mareykanka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]