4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 20, 2020
Madaxa hay'adda WHO oo beeniyay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya

 

Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Madaxa hay'adda Caafimaadka Aduunka  WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya oo ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigrayga.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Dr Tedros in uu u shaqeyso sidii Diblomaasi Tigray ah oo kale islamarkaana taageerro militari iyo mid dhaqaale caalamka uga raadinayo Jabhada gooni u goosadka TPLF.

Hasse ahaatee Tedros ayaa sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan, islamarkaana uu taageersan yahay oo kaliya  Nabadda iyo la joojiyo qalalaasha ka jira gobolka.

''Warka ku saabsan in aan dhinac taageersannahay ma'aha mid sax ah, Annniga hal dhinac oo kaliya ayaa taageersanahay waana dhinaca Nabada'' ayuu yiri madaxda hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa horaantii bishan weerar ku qaaday saldhigyada xoogagga TPLF ee Ismaamulka Tigrayga waxaana muuqata in dagaalkan oo wali soconaya uu yeeshay saameyn amni iyo mid siyaasadeed intaba.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]