4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay guddiyada doorashooyinka


Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Ra'isul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la yeeshay guddiyada madaxa bannaan ee doorashada heer Federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Raysal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddigan inay si madax bannaan oo daah furan u wajahaan sidii dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Raysal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in guddigan uu laf dhabar u yahay doorasho ka hufan musuq maasuq iyo cadaalad darro islamarkaana ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasada.

Wuxuu raysal wasaaraha u sheegay in guddiyada looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan in doorashada ay soo galaan kooxaha nabad diidka iyo argigixisada.

Guddigaan uu raysal wasaaruhu horey u magacaabay ayaa loo jeediyay eedaymo ku aadan in ay  qeybtooda katirsan yihiin hay’adda amniga, looguna talo galay in lagu cabsi galiyo ergooyinka doorashooyinka ka qeyb galaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]