11/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Mahdi Guulleed'' Waa laga gudbay waqtigii dadka Qabiil loogu durbaan tumi jiray


 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Xusseen Guulleed Khadar ayaa mar kale fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

Mahdi Gulleed ayaa sheegay in dowladdu wali ku taaggan tahay hannaankii doorasho ee madaxda dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe ku heshiiyeen kana soo baxay shirarkii Dhuusa-Mareeb iyo Muqdisho, isaga oo meesha ku saaray in madaxweynuhu wax saameyn ah ku leeyahay maamulka dariiqa loo marayo doorashada.

''Tallada madaxweynuhu uu ku lahaa heshiiska doorashada waxey aheyd oo kaliya in Baarlamaanka la horgeeyo oo sharciga la mariyo, si markaa xildhibaan kasta oo damac ku jiro iyo siyaasi karta oo taageerro leh halkaa iska dhax arkaan oo halkaa rayigooda ku cambiraan''' ayuu yiri Mahdi Guulleed.

Waxaa uu intaa ku darray in marnaba la aqbali doonin arin kasta oo ka baxsan sharciga oo ah ayuu yiri waxa kale ee lagu wada dhaqmayo dowladnimaduna ku jiri karto''' Waxeynu nahay Umad Sharci ee ma nihin Ummad Fowdo, cid kasta oo ka hortimaada sharciga tallaabada laga qaadayo iyo waxa ay muddan tahay waxey u taalaa haya'ddaha kale ee dowladda' ayuu yiri ra'iisal Wasaare ku-xigeenka dalka.

''Soomaaliya wey ka soo gudubtay waqtigii dadka qabiil loogu durbaan tumi jiray, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhankooda ku eedeynaya dowladda in rabto doorasho aan loo sineyn kaddib markii ay guddiyo dhinac ah u saareen in ay maamulaan doorashada'' ‘Dowladda waxaan ku diidan nahay in ay garsooreyaal ka dhigto taageerayaasheeda’ 

Lama halka ay saldhigan doonto doodda ku saabsan muranka iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee ka taaggan guddiyada loo saaray doorashada oo ay cabasho ka muujinayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   

 






''













Click here
11/18/2020 4:20 PM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladdda federalka Soomaaliya ayaa wareegto ku magacaabay xubno lagu dhameytirayo guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii siyaasadeed ee arrimaha doorashada.

11/18/2020 12:41 PM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.

11/18/2020 10:27 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta Somaliland ku wareejisay eedeesane loo haysto inuu qof shacab ah ku dilay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

11/18/2020 8:53 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) Ra'iiisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doodda siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka dhanka ah Guddiyada Doorashada.

11/18/2020 7:50 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Waxaa goor dhaw oo maanta ah ku geeriyooday magaalada Hargeysa Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo mar dalka ka soo noqday Ra'iisal Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibaddeed.

11/18/2020 7:34 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxaxmed Guulleed Khadar ayaa khudbad uu ka dhax jeediyay Tiyaatarka Qaranka wuxuu sheegay in doorashada 2021ka wareega koowaadba ku guuleysan doonaan.

11/18/2020 5:41 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Ugu yaraan saddex ruux oo rayid ah ayaa lagu waramayaa in ay u dhinteen rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lala eegtay

11/18/2020 5:20 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Kulanka oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana diirada lagu saaray doorka ganacsatada ay ka qaadan karaa kobcinta dhaqaalaha.

11/18/2020 5:08 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka dalka Denmark ayaa walaaca kasoo saaray heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeya Danmark iyo Soomaaliya oo ku saabsan musaafurinta khasabka ah.

11/18/2020 12:53 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Dablay hubaysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dilay masuul kamid ahaa garsoorka gobolka Sool oo Lagu magacaabo Cabdulaahi Salaad (wadaadyare).

11/18/2020 12:11 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ku sii dhawaanayaan magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray, kadib markii laga gudbay waqti laba toddobaad oo dagaal ah.

11/18/2020 12:04 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dirtay Labo sarkaal oo sare kana tirsan ururka Al-shabaab, kaddib qoraal ka soo baxay Wasarradda Arrimaha dibadda.