4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Wasaarradda Maaliyadda oo qabatay kulan looga hadlayay doorka ganacsatada ee hormarinta dhaqaalaha

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Kulanka oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana diirada lagu saaray doorka ganacsatada ay ka qaadan karaa kobcinta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa aad loogu fallanqeeyay kaalinta ay ganacsatadu ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo canshuur bixinta iyo sidii loo horumarin lahaa wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganagsiga.

Waxaa kulanka ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullahi Sheek Cali Qalocow, Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulkaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo qeybaha kale duwan ee ganacsatada iyo bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyey ganacsatada Soomaaliyeed oo kaalinta ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha iyo doorka ay ku leeyihiin in dalka uu heerkaan soo gaaro maanta, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB)

” Isku imaatinkaan ama shirkaan muhiimada uu leeyahay waxa waaye u mahadcelin in aan u mahadcelino ganacsatada Soomaaliyeed oo runtii dalkaan halka uu maanta tagan yahay soo gaarsiiyay, iyo in aan iswareysano oo wixii su’aalo oo shacabku qabo uga jawaabno. waxaan aad ugu mahacelinyaa African Development Bank (Bangiga Horumarinta Afrika) oo arrimahaan naga saacida ama naga taageeraa. In la isku yimaado, la wadahadalo, wax la is weydiiyo, wax la isla garto aasaaska horumarka weeyaan”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay muhiim in laga faa’iidaysto Kheyraadka ku jira dalkeenna, sida shidaalka, Gaaska iyo macdanta.

” Waddanka Soomaaliya haddii uu Yurub ku oolilahaa waxaa uu noqon lahaa dalka ugu wayn ee Ruushka xigga ayuu noqon lahaa. Xeebaha ugu dhaadheer Africa ayaa Alle na siiyay. 333 oo KM oo bad ah ayaan leenahay oo lays isku raacsan yahay in Kheyraadkeedu kan ugu badan yahay adduunyada marka la eego bad nuucaas ah”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullahi Sheek Cali Qalocow ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin wax soo saarka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiir dowlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa isna boogadiyey doorka ganacsatada ee dhaqaalaha dalka.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijyada Wasaaradda Maaliyadda ee la falgalida ganacsatad iyo qeybaha kale duwan ee bulshada oo gacan ka geesanyey Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB), si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo wacyigellinta wax soo saarka dakhliga dalka iyo bixinta canshuuraha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]