4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Lix Ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo faah faahiin ka bixiyay qarax uu geystay qof ismiidaamiye ah ayaa sheegay in uu sababay geerida Lix ruux.

Qofkan ismiidaamiyaha ayaa la sheegay in uu soo galay maqaaxi ku taala degmada Xamar-Jajab waxaana marka laga soo tago  dadka ku dhintay sidoo kale uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ilaa 8 ruux oo kale.

Maqaaxida ayaa la sheegay in ay aad mashquul u aheyd waqtiga uu weerarka soo qaaday qofka ismiidaamiyaha ah waxaana soconaya baaritaan ay wadaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Qaraxan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo bilihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho marka laga soo tago weerarrada loo adeegsado miinada ee lagu bartilmaameedsado gaadiidka dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]