4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Madaxweynaha koonfur galbeed oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Shabeellada hoose
 

Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose u magacaabay C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur Siidi oo horey xilkaan usoo qabtay.

Wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Shabeeladda hoose ayaa lagu sheegay in ay ahayd soo jeedin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta koofur galbeed.

C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur Siidi ayaa gobolkan horey u soo maamulay muddo 8 sano ah, waxaana laga qaaday 12-kii november sanadkii 2015,  isagoo lagu bedelay guddoomiyaha hadda laga bedelay Ibraahim Aadan Cali ( Najax).


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]