4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Dooni kalluumaysi oo kusoo caariday xeebaha Puntland
 

Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Dooni kalluumeysi oo ay lahaayeen ganacsatada Puntland kasoo jeeda, ayaa ku caariday xeebta degaanka Gumbah oo ka tirsan gobolka Bari, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Puntland.

Doonta ayaa ka soo ambabaxday Yemen waxayna ku sii jeeday Warshaddii Kalluunka ee Xaafuun halkaas oo ay ka raran lahayd  kalluun gasacadeysan oo loo dhoofiyo Koonfurta Yemen.

Cilad farsamo oo ku dhacday matoorka doonta ayaa ka dhigtay in doonidu kusoo caarido xeebta.

Shaqaale u dhashay Yemen ah oo saarnaa doonida ayaa bad qaba, maamulka degmada Gumbuh ayaa sidaas yidhi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]