4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Golaha Shacabka oo maanta kulan ka yeelanaya maal-marinta iyo ka doodista ajandayaal dhowr ah

 

Isniin, November, 16, 2020 HOL) -Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulankoodii caadiga iyaga oo ka uga dooddi doona ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaannada ayaa loo diray  qoraal lagu ogeeysiinayo in uu jiro kulanka Golaha, iyaga oo laga dalbaday inay soo xaadiraan sidoo kalena waqtiga ilaaliyaan.

Xildhibaannada ayaa kulankooda uga hadli doona maal-marinta xubnaha guddiga Adeega Garsoorka, guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku howlan sidii loo dardar-galin lahaa meelmarinta sharciyo dhowr ah oo horyaala iyadoo muddo xileedka Goluhu yahay mid sii dhamaanaya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]