4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Cali Guudlaawe oo noqonaya madaxweynihii saddexaad ee dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)- Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe ayaa goor dhaw loo doortay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa helay 86  cod halka musahrixii la tartamayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay uu helay cod 13 guud ahaan 99 xildhibaan ee codadkooda dhiibtay

Madaxweynaha saddexaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa horeyba loo sii saadaalinayay in uu ku soo bixin doono doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro iyo Xildhibaannno ka tirsan Dowladda dhexe ee federaalka.

Goor dhaw ayaa lagu waddaa in loo gudbo doorashada madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar –Dabageed iyo Wasiir hore Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]