
Talaado, November, 10, 2020 (HOL)- Warar goor dhaw naga soo gaaray gobolka Galguduud ayaa sheegaya in qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
newsinsideQaraxa oo gaar ahaan ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Sinna-dhaqo oo ka tirsan degmada Dhuusa-mareeb ayaa lagu bartilmaameedsaday gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen qaar ka mid ah ciidamada 21aad xoogga dalka.
Tirada askarta ku dhimatay qaraxan lama oga hasse ahaatee waxaa ay wararku sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xooggan.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]