4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2020
Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay madaxii dilalka iyo qaraxyada Daacish ee gobolka Bari


Sabti, May 9, 2020 (HOL) - Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa magaalada Bosaso ka fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah ururka Daacish.

Saraakiisha ciidanka PSF ayaa sheegay inay howlgalkaaan kaga hortagayeen qaraxyo iyo dilal ay Daacish ku doonayeen in ay ka geystaan magaalada Bosaso.

Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish, waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka Daacish.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa Daacish ee gobolka Bari, kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.

Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka.

Saraakiisha PSF ma sheegin wax khasaare ah oo dhinacooda ah, balse warar madaxa bannaan ayaa sheegaya in hal askari oo katirsan ciidanka uu ku dhintay howlgalka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online