4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2020
Booliska Galmudug oo beeniyay in xubno Al-shabaab ah ay ka sii daayeen saldhigga Dhuusa-mareeb
 

Sabti, May 9, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidamada booliska Galmudug ayaa ka jawaabay hadal uu xalay warbaahinta ka sheegay sargaal ka tirsanaa booliska Maamulkaasi kaasi oo ahaa in xubno loo haaystay Al-shabaabnimo laga sii daayay saldhigga dhexe ee magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoo aan la horgeyn cadaaladda.

Taliyaha booliska Galmudug Gaanshaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin ayaa wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay  in taliyahii ka tirsanaa booliska balse la sheegay inuu is-casilay uu warkiisu ahaa waxba kama jiraan, meel looga dhacayo sharafta ciidamada ammaanka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in uu keeno caddeymo muujinaya warkiisa, kaas oo uu qeexay inuu qalbi jab ku riday bulshada reer Galmudug.

Sargaal ka tirsan booliska ayaa horay warbaahinta maxalliga ah uga sheegayn in tuhmanayaal Al-shabaabnimo loo haaystay la sii daayay.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho