4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2020
Covid19: WHO oo ka digtay in 190,000 ay ku dhiman karaan Afrika hal sano gudaheed
 

Jimco, May 8, 2020 (HOL) - 190,000 oo qof oo ku nool qaaradda Afrika ayaa u dhiman kara sannadka ugu horreeya ee cudurka coronavirus-ka haddii tallaabooyinka xakameynta ee muhiimka ah ay ku guul darreystaan, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digaya.

Daraasaddan cusubi waxay sidoo kale saadaalineysaa faafitaan daba dheeraaday oo dhowr sano ah.

"Waxay u badan tahay in si xoog ah ay ugu sii gudbi doonto meelaha ay kululaanayaan," ayuu yiri madaxa WHO Africa Matshidiso Moeti.

Digniinta WHO ayaa ku soo beegmaysa iyadoo waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika, Nigeria, iyo kuwa kale oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Ivory Coast, ay bilaabeen inay hoos u dhigeen tallaabooyinkooda xiritaanka.

Daraasadda ayaa lagu ogaaday in inta u dhaxaysa 29 milyan iyo 44 milyan oo qof oo ku nool gobolka Afrika ee ay ku dhici karaan cudurka sannadka ugu horreeya.

Inta u dhaxaysa 83,000 iyo 190,000 ayaa dhiman kara isla muddadaas, ayay sheegtay WHO.

Daraasadu waxay diirada saarayaa 47-da wadan ee ku yaal Afrika  oo ay ku nool yihiin dad hal bilyan ah. Masar, Libya, Tunis, Marooko, Ereteriya, Suudaan, Soomaaliya iyo Jabuuti kuma jiraan.

Koonfur Afrika ayaa leh kiisaska ugu badan ee la xaqiijiyay - in ka badan 8,200 iyo 160 dhimasho - halka Aljeeriya ay leedahay dhimashada ugu badan - 483.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online