4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa COVID-19
 

Jimco, May 8, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyay gudiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya, waxaana si weyn looga hadlayay habka ugu fudud ee looga wacyi-gelin kara bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid khadka internet-ka ah ayaa waxa uu dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galay ee guddigan qeybta ka ah ayaa waxa uu ku booriyay in ay la yimaadaan istiraatiijiyad wacyi-gelin ah oo la xiriirta dhalinyarada.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu qeexay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta bulshada sidaas darteed ay muhiim tahay in loo helo wacyi-gelin dhab ah.

Soomaaliya, waxaa aad u baahaya xanuunka COVID-19,  dowladdana dadaal adag ayeey ugu jirtaa sidii xanuunkaasi loo xakameyn lahaa.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho