4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Qaramada midoobe oo sheegtay in Soomaaliya ay roobabka Guga ugu dhinteen 16 ruux , dad bandanna ay ku barakaceen
 

Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku dhimatay halka 200,000 ay saameeyeen ku yeesheen deegaannadoodii daad ka dhashay roobka Guga oo Soomaaliya ka da’o inta u dhexeysa bilaha April iyo June , roobka ayaa Waddanka ka bilowday bil ka hor sida ay sheegtay hay’adda isku duwada arrimaha gargaarka qaramada Midoobe ee (OCHA), Maalintii Arbacada ee shalay.

OCHA waxay sheegtay in la weysanyahay 10 ruux oo ay daadadku la tageen, halka 2,000 oo beerna ay biyaha wax-yeeleeyeen.

“Roobabkan iyo daadka waxaa laga cabsi qabaa in ay  keenaan cudurrada biyaha ka dhadha” ayeey mar kale OCHA ku sheegtay warbixintaan ay kaga hadleysay saameynta daadadka roobka uu ku yeeshay Soomaaliya.

Saadaalin ay sameysay hay’adda beeraha iyo raashiinka QM ee FAO ayaa waxay ku qeexday in roobabka ka da’aya  Soomaaliya bishaan May bartamaheeda ay saameyn ku yeelan karaan dhulka uu maro webiga Shabeelle gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka wada tirsan maamulka Hirshabeelle.

Qaramada midoobay ayaa waxay sheegtay in biyaha badan ee webiga hadda uu wado ay ka tan badanyihiin halka ay ku socdaan, sidaas darteedna ay muuqaneyso khatar xooggan, taas oo laga cabsi qabo in maalmaha soo socda uu sameeyo fatahaad xooggan.

Shacabka ku nool magaalada Beledweyne ayaa waxa ay QM ugu baaqday in ay sameeyaan feejignaan xooggan iyo diyaar-garow xaalad kasta ah inta lagu guda jiro xilli roobaadka Guga.

Qaramada Midoobe waxay tilmaantay in meelaha ugu daran oo ay hadda roobabku  saameeyeen ay kamid tahay Puntland halkaas oo daadad soo rogmay 27-kii April ay ku dileen lix ruux, halka ay ku barakaceen 22,000 oo qof,  Galmudug-na lix ruux ayaa roobabka ku dhintay, waxayna si lamid ah Puntland ay saameeyeen 22,000 oo qof. Kuwaas oo ay wax-yeeleeyeen daadadka halkii ay ku noolaayeen.

In ka badan 100,000 qof ayaa la sheegay in daadadka roobabka Guga ay ku saameeyeen Koonfur galbeed, halka Jubaland ay wax-yeeleeyeen u geysteen 11,800 oo qof sida hay’adaha gargaarka QM sheegeen.

Qaramada midoobe waxay ka digeysaa xaalad adag oo bani-aadannimo oo ka dhalata caqabadaha hadda isku biirsaday Soomaaliya sida daadadka roobka Gugu, xanuunka safmarka ee COVID-19 iyo Ayaxa oo aad saameeyey deegaanka.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho