4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo geeriyooday
 

Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Wasiirkii wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa fiidnimada xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

Marxuumka ayaa muddo 4 bilood la badan ugu maqnaa dalkaasi, waxaana xaafadiisa caafimaad ay ahayd mid kasoo reeyneeysa, balse xalay ayuu fiidkii ku geeriyooday Isla isbitalkii lagu daweynayay.

Madaxwaynaha Jubbaland, ku-xigeennadiisa, labada gole ee Jubbaland ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u direen qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid wasiirka. Macallim Maxamed Ibraahim ayaa kamid ah masuuliyiinta ugu saameynta badan Jubbaland,

Isagoo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland oo ay ka wada tirsanaan jireen dhaqdhaqaaqii Raaskaambooni oo markii u danbeeysay inta aan la dhisin Jubbaland uu gudoomiye ka noqday AUN Wasiirka geeriyooday.

Hiiraan Online News Desk