Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2020
Puntland: Kiisaska covid19 oo sii kordhaya xilli shacabku si dhab ah ugu baraarugsanayn halista cudurka
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Puntland ayaa diiwaan galisay 13 kiis oo ku saabsan cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay warbixin cusub oo caawa kasoo baxday guddiga Puntland u qaabilsan xakamaynta faafitaanka Covid19.
10 kamid ah dadka laga helay cudurka ayaa laga diiwaan galiyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo ah meesha laga helay tirada ugu badan dadka uu ku dhacay cudurka Covid19.
Saddexda soo hartay ayaa laga diiwaan galiyay magaalada Qardho, waxaana xusid in Qardho kiisaska cudurka ay ku bilowdeen kadib markii ay halkaas iskugu tageen boqolaal qof oo isugu jiray masuuliyiin iyo shacab u tagay gurmadka daadadka magaalada kusoo rogmaday.
Sida lagu xusay warbixinta, Ma jirto dad cusub oo ka kacay cudurka ama u geeriyooday. Marka laga reebo labo qof oo midna uu ka bogsaday midna uu u geeriyooday oo hore xogtooda loo shaaciyay.
Puntland, sida muuqata cudurka 24 saacba waxaa guddigu shaacinayaa kiisas cusub. Welina dadku si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Xaafadda Islii oo lagusoo rogay Bandow, ma jiri doonto muddo 15 maalin ah cid galeysa iyo dad ka bixi doona toona
5/6/2020 10:22 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ka degto magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa waxaa lagusoo rogay Bandow soconaya muddo 15 maalin ah , sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaasi Mutahi Kagwe.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo amray in biyaha lagasaaro goobaha aay biyuhu ka fariistaan magaalada Jowhar
5/6/2020 10:15 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray xaafadaha xaafadaha magaalada Jowhar, waxaana si gaar ah uu ugu kuurgalay meelaha aay fariistaan biyaha roobabka isagoo amar ku bixiyay in biyaha laga saaro.
Hay’adda IRC oo ka walaacsan xaaladda Soomaaliya iyo fiditaanka COVID-19
5/6/2020 9:50 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’adda IRC ayaa waxey sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda caafimaad ee Soomaaliya , iyadoo la xaqiijiyay guud ahaan dalka in ka badan 750 xaalad oo ah xanuunka COVID-19, sida ay hay’addaasi ku sheegtay warbixin ay sii daaysay maanta oo Arbaco ah.
Somaliland: Qofkii labaad oo u geeriyooday cudurka Coronavirus
5/6/2020 7:38 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Somaliland qofkii labaad ayaa maanta u geeriyooday cudurka Corona Virus sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka maamulkaas, oo maanta warbaahinta la wadaagtay macluumaadkii ugu ee dambeeyay.
Ilhaan Cumar oo dalbatay in jawaab laga bixiyo khasaaraha rayidka ee duqeymaha Africom
5/6/2020 6:59 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Omar oo katirsan golaha kongareeska Maraykanka ayaa hogaamineysa toddobo wakiil oo Dimoqraadi ah, oo saxiixay warqad taliska ciidanka Maraykanka looga dalbanayo inay sharaxaan farqiga u dhaxeeya khasaaraha rayidka kasoo gaara duqeymaha, kuwaas oo ay diiwaan galiyaan ururada xuquuqul insaanka iyo kuwa AFRICOM qiratay.
Guddoomiyaha Degmada Dayniile oo ka hadlay xabsi qarsoodi ah oo la sheegay inuu sameystay maamulkiisa
5/6/2020 6:40 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay eedo dhalinyaro deegaanka ah ay horay ugu jeediyeen Maamulkiisa oo ku saabsan in uu degmadaasi ka sameystay xabsi qarsoodi ah oo lagu dhibaateeyo dadka ka aragtida ah.
Sheekh Shariif iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo ka wada-hadalay xaaladda siyaasadda dalka
5/6/2020 5:44 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa waxay yeesheen wada-hadal khadka taleefanka, iyagoo isla soo qaaday xaaladihii ugu dembeeyay ee waddanka, iyo geeddi socodka jihada siyaasadeed ee dalka.
Maamulka gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixiyay qarax qasaaro geeystay oo ka dhacay Yaaqshiid
5/6/2020 2:42 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay bam gacmeed xalay lagu weeraray waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid, waxaana aay sheegeen in gacanta lagusoo dhigay shaqsigii bambada ku tuuray ciidan kusugnaa waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid.
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya sidii loo ogaan lahaa waxa sababay shilkii diyaaradeed ee Bardaale
5/6/2020 12:57 AM EST
Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay diyaaradii samafalka siday ee ku burburtay Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof oo saarnaa diyaarada oo ku sii jeedday Bardaale, oo qiyaastii 55 Km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, Soomaaliya.
Somali News
Rep. Omar Leads Letter Calling for Increased Transparency and Accountability for Civilian Casualties from AFRICOM
-
Rep. Omar Office
5/6/2020 7:25 PM EST
WASHINGTON— Rep. Ilhan Omar (D-MN) led a letter to General Stephen J. Townsend today calling for increased transparency and public accountability of civilian causalities from the United States Defense Department’s Africa Command (AFRICOM).
ajir governor blames porous border for virus infections
-
The Star
5/6/2020 3:33 PM EST
Wajir Governor Mohamed Abdi on Wednesday said the long porous border with Somalia posed the biggest challenge in the fight against coronavirus.
Nairobi’s Eastleigh on lockdown as COVID19 rise sharply
-
HOL
5/6/2020 10:04 AM EST
NAIROB (HOL) - Nairobi’s Eastleigh estate will from today be put on lockdown as the Kenyan government moves in to curb the fast spread of COVID-19 in the Somali populated suburb.
Captain of ill-fated aircraft hoped to be with family
-
Daily Nation
5/6/2020 9:37 AM EST
Captain Mabruk Islam Sherman spoke to his wife and three children around noon, informing them of his trip to Somalia.
Coronavirus: Somalia faces another desperate situation as COVID-19 cases spiral, IRC calls for increased support to save lives
-
IRC
5/6/2020 6:07 AM EST
With more than 750 confirmed COVID-19 cases in Somalia, the IRC warns that many cases are going untested and undetected. Somalia has faced decades of violence and cycles of drought and floods, leaving its health care system ill equipped to respond to this outbreak.
Ilhan Omar Demands Answers on Civilian Deaths in Somalia
-
Daily Beast
5/6/2020 5:53 AM EST
U.S. Africa Command, known as AFRICOM, has been conducting air and ground operations, mainly targeting the al Qaeda affiliate al Shabaab, in Somalia since 2007. In those 13 years it has admitted to four civilian deaths.
Ethiopia blocks Kenya from accessing plane crash scene
-
The Star
5/6/2020 5:47 AM EST
Ethiopian forces on Tuesday barred Kenya from accessing the crash site of a light aircraft that killed all six on board.
Yemen announces first case of coronavirus in Sana’a, a Somali immigrant
-
ABNA
5/6/2020 5:43 AM EST
Yemen's Minister of Public Health, Dr. Taha Al-Mutawakil, announced on Tuesday, first confirmed case of a Coronavirus (COVID-19) in the capital Sana'a, in which a Somali immigrant found dead in a hotle.
Ethiopia's Tigray region eyes election in challenge to national unity
-
Reuters
5/6/2020 2:12 AM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia’s Tigray region plans to hold elections, its main party said, setting it on a collision course with the federal government and testing the country’s fragile unity.
High-rise tower catches fire in United Arab Emirates
-
AP
5/6/2020 12:38 AM EST
SHARJAH, United Arab Emirates (AP) — A high-rise tower caught fire late Tuesday in the United Arab Emirates in a city-state neighboring Dubai, a blaze that saw flames rapidly shoot up the sides of the building like other recent incidents that involved flammable cladding.
Ranking of African countries on the average cost of 1GB: Somalia comes first
-
Ecofin Agency
5/6/2020 12:34 AM EST
Somalia comes as the 7th country in the world where the cost of 1GB of internet is the cheapest.
Somali sports star who died with Covid-19 escaped war to serve London as Tube engineer
-
Evening Standard
5/6/2020 12:27 AM EST
An international basketball player who moved to London to escape Somalia’s looming civil war has become one of the capital’s latest victims of Covid-19.
On the frontline: The junior doctor at Mogadishu’s Covid call centre
-
Mail & Guardian
5/6/2020 12:23 AM EST
In June last year, 24-year-old Jihan Ali Mohamud landed in the Somali capital of Mogadishu for the first time in her life.