4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo is afgarad ka gaaray diyaaradii ku burburtay Bardaale
 

Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la xiriiray dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ka dib diyaaraddii Kenya ee ku dhacday Soomaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa lagu yidhi, “Madaxweyne Farmaajo wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay shilkaas dhacay ugana tacsiyeeyay lixda qof ee ku dhintay dhacdadaas.

Kenya ayaa horay u weydiisatay Soomaaliya inay baarto duruufaha aan caddayn oo sababay in diyaaraddu kusoo dhacdo degmada Bardaale.

Intii lagu guda jiray qadka taleefoonkooda, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku wargaliyay Madaxweyne Kenyatta inuu faray Hay'adaha Duulista Rayidka ee Soomaaliya inay si dhaqso leh u baaraan duruufaha ku xeeran shilka.

Wuxuu kaloo madaxweyne Farmaajo casuumaad u fidiyay Hay'adda Duulista Rayidka ee Kenya (KCAA) si ay ula midoobaan dhiggooda Soomaaliya si ay si dhakhso leh baaritaannada ugu dhameeyaan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa u mahadceliyay H.E. Madaxweyne Farmaajo wuxuuna ballan qaaday inuu tacsi u dirayo qoysaskii labada shaqaale ee ku naf waayay burburka diyaaradda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online