4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Jubbaland oo laga helay 29 Kiis oo cusub oo COVID19
 

Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay in 29 Kiis oo cusub oo cudurka Covid19 laga diiwaangeliyay Kismaayo.

Arrintan ayaa ka dhigeeysa wadarta guud ilaa 31 qof oo qabta cudurkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Kismaayo gaarsiisay agab caafimaad oo looga hortago cudurka Corona, waxaana arrintan kusoo beegmaysaa xilli shacabka reer Kismaayo ay mudooyinkii u danbeeyay shaki badan ka qabeen ku faafitaanka cudurka ee Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa hore looga mamnuucay in Hoteellada waaweyn ee ay bulshadu isugu timaado la furo, waxaa sidoo kale albaabada la isugu dhuftay garoomadii kubadda cagta ayadoo sidoo kale Masaajidda magaalada laga mamnuucay Salaadda Taraawiixda in lagu tukado.

Balse arrinta cajiibka ayaa ah in Qaadka (Jaadka) si caadi ah looga isticmaalo Kismaayo.


Hiiraan Online, News Desk