4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Xildhibaan Prof. Ibbi oo ka tirsan saamileyda Shirkadda African Express oo sheegay in diyaaraddoodii shalay burburtay, lasoo riday
 

Talaado, May 5, 2020 (HOL) -Xildhibaan Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo kamid ah saamileysa shirkadda diyaaradaha ee African express ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay burburkii shalay diyaarad ay leedahay shirkaddaasi oo kusoo dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay.

Prof. Cabdiraxmaan Ibbi oo la hadlay Idaacadda Maxalliga ah ee Risaala oo ku taalla Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ayiday fikirka ah in diyaaraddaasi lagu dhuftay hub oo la soo riday, balse ay ka war sugayaan baaritaan ay sameyneyso dowladda Soomaaliya.

“ Waa dhab diyaaraddaasi waa lasoo riday kadib markii ay isku dayday in ay soo fariisto garoonka oo ay soo fooraarsatay ayeey aragtay gawaari yaalla gudaha madaarka , kadib waxay sameysay kor u kicis, waxaana haleelay rasaas lagu ganay” ayuu yiri Prof. Ibbi.

Waxa uu intaa ku daray in halkaasi ay ka socotay dab rid ay sameynayeen ciidamada ku sugan Bardaale, balse lama oga in ay tahay ula kac iyo in kale.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi diyaaradda ayaa waxaa saarnaa laba duuliye, Injineer , labo shaqaale ah iyo nin mas’uul ka ahaa xammuulka diyaaraddu sidday, kuwaas oo dhammaantoodba geeriyooday.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo la hadlay HOL ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso baaritaan quta-dheer si loo hubiyo burburka diyaaraddaasi.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho