4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Kenya oo ka dalbatay Soomaaliya in baaritaan lagu sameeyo sababtii usoo dhacday diyaaradda African Express Airways
 

Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Kenya ayaa ka codsatay Soomaaliya inay baarto sababta keentay inay soo dhacdo duyuurada African Express Airways oo laga leeyahay dalka Kenya, taasoo shalay ku dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha Bardaale.

Diyaarada ayaa siday sahay gargaar caafimaadka iyo qalabka loo adeegsado  Covid-19, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee saarnaa.

Farriinta ay u dirtay Muqdisho, ayay Nairobi codsatay in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo shilka, iyadoo ka digaysa inay arrintaan waxyeelo u geyso gaarsiinta gargaarka bini'aadannimo ee Soomaaliya.

Kenya waxay boorisay diyaaradaheeda iyo kuwa gobolka inay kordhiyaan feejignaan dheeri ah marka loo fiiriyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya iyadoo la shaqeynaysa hay'adaha kale waxay ku baaqday in si dhaw loola socdo baaritaanka dhacdadan naxdinta leh.

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya Maxamed Salaad Oomar ayaa sheegay in dowladdu u dirayso unug baaritaan iyagoo kaashanaya kaalmada caalamiga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online