4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Kenya xayiraad kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa xeryaha Qaxootiga
 

Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Kenya ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqa gudaha iyo ka bixida laba xero qaxooti oo waa weyn taas oo qeyb ka ah talaabooyin xakameyn ah oo looga golleeyahay ka hortagga faafitaanka coronavirus ee bulshada nugul.

Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in xayiraadda la saaray xerada Dhadhaab ee bariga Kenya, oo ay ku nool yihiin 217,000 oo qof, iyo xerada Kakuma ee waqooyi-galbeed Kenya, oo ay ku nool yihiin 190, 000 oo qof.

Kenya, oo diiwaangelisay 490 kiisaska coronavirus, ayaa illaa iyo hadda, weli soo sheegin wax cudur ah oo laga helay labada xero, oo ay ku jiraan qaxooti ka kala socda Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya - oo qaarkood halkaas ku noolaa ku dhawaad 20 sano.

Khubaro caafimaad iyo kooxo bini-aadamnimo ayaa muddo dheer ka digaya in uu ku faafo Covid-19 xerooyinka qaxootiga ee dadku ku badan yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online