4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 4 , 2020
Puntland: Tirada dadka laga helay covid19 oo gaartay 30 qof xilli uu istaagay bandowgii saarnaa magaalooyinka
 

Isniin, May 4, 2020 (HOL) - Cudurka Coronavirus ayaa kusii kordhaya degaanada Puntland, iyadoo cudurku gaaray 30 qof. Waana tiradii ugu badnayd ee laga diiwaan galiyo Soomaaliya marka laga yimaado muqdisho oo cudurkun uu si aad ah ugu faafay.

Labadii habeen ee ugu dambeysay ku dhawaad 20 qof ayaa laga helay cudurka, sida aan kasoo xiganay tirokoobka guddiga Puntland u qaabilsan la tacaalida covid19

Masuuliyiinta Puntland ayaa lagu dhaliilay inaanay weli xakamayn shirarka dadka badan iskugu yimaadaan ee hay'adda maamulka qabanayo. Waxaana sidoo kale iskiis u istaagay bandowgii habeenimo ee saarnaa magaaloyinka Puntland.

Sidoo kale goobaha cibaadada ayaa furan oo sidoodii loogu tukanayaa, halka qaar kamid ah masaajida habeenkii lagu tukanayo salaadaha Taraawiixda.

Hiiraan Online, News Desk