4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 4 , 2020
Kenya oo xirtay suuqa ugu weyn xoolaha ee gobolka Gaarisa si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19
 

Isniin, May 4, 2020 (HOL) - Maamulka gobolka Gaarisa ayaa xiray suuqa xoolaha ee Dhagaxley ee Dhadhaab si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Suuqa ayaa ku dhow soohdinta gobolka Wajeer halkaas oo la xaqiijiyay laba xaaladood oo ah Covid-19.

Mas'uuliyiinta Gaarisa ayaa sheegay in xiritaanka ay ka dhalatay baahida loo qabo in la yareeyo dhaqdhaqaaqa dadka ee ka dhexeeya labada gobol. Labada degmo waxay xuduudo la wadaagaan Soomaaliya halkaasoo uu ku soo badanayay kiisaska cudurka coronavirus.

Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane ayaa sheegay in xiritaanka suuqa uu qeyb ka ahaa olole balaaran oo lagu xoojinayo u diyaarsanaanta gobolka ee wax ka qabashada faafitaanka cudurka.

“Walaaca ugu weyn ee aan qabno waa in coronavirus uu yahay cudur zoonotic ah oo lagu kala qaado dadka iyo xayawaanka. Ma jeclaan lahayn in ay heerkaas gaarto maxaa yeelay waa musiibo, ”ayuu yidhi, Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane.

Bukaanada Wajeer Covid-19 ayaa ah labo nin oo da’doodu tahay 36 iyo 32 oo ka soo jeeda gobolka Gaarisa kuwaas oo ka yimid Diif oo ku yaal Koonfurta Wajeer iyada oo ay wehelinayaan saddex qof oo kale markii ay ka soo laabanayeen socdaalkii ganacsi ee xoolaha ee ay kaga yimaadeen Muqdisho-Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online