4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2020
Madaxweyne Qoorqoor oo mashaariic hor’umarineed u ballan qaaday shacabka Bandiiradley
 

Sabti, May 30, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cali Kaariye “Qoorqoor” iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd lagusoo dhoweeyay deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug, halkaas oo uu ku gaaray socdaal uu ugu kuur-galayo xaaladda deegaanka iyo nolosha dadka.

Odoyaal dhaqameed iyo wax-garadka deegaanka ah oo ay kamid yihiin mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa halkaasi kusoo dhoweeyay, iyagoo usoo bandhigay baahiyaha ay qabaan dadka deegaanka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxa uu shacabka Bandiiradley u balan-qaaday in uu u her-gelin doono mashaariic lagu hormarinayo halkaas sida Sladhig boolis iyo mashaariic kale oo la xiriirta dhinaca caafimaadka.

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug maalmahaanba socdaal ku gaalaa-bixinayay deegaanno ka tirsan maamulkaasi si uu xuuraan ugusoo sameeyo shaqooyinka horyaalla iyo wax-qabadka laga sugayo sida Ilo ku dhow maamulkiisa ay warbaahinta u sheegeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]