4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2020
Ciidamada amniga Galmudug ee Gaalkacyo oo qabtay gaadiid dhuxul siday



Sabti, May 30, 2020 (HOL) - Ciidamada maamulka ku yaalla bartamaha Soomaaliya ee Galmudug ayaa waxay maanta duleedka koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ay ku qabteen gaadiid siday dhuxul oo doonayay inuu magaalada gudaha u galo.

Wasaaradda amniga maamulka Galmudug ayaa horay uga u mamnuucday deegaannada Galmudug in dhirta la gubo oo laga shido dhuxul, iyadoo arrintaasi ciddii ku kacda horay loogu hanjabay in cadaaladda ay kasoo hor muuqan doonto.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa waxa uu qeexay in aysan jirin caqli saamaxaya in madaxda maamulkaasi ay aqbalaan in deegaanka uu xaaluf ku yimaado.

”Jaridda dhirta iyo gubisteeda si dhuxul looga helo waa ka mamnuuc deegaannada Galmudug, ciddii arrintaas lagu qabtana waxay mutaysanaysaa In sharciga la mariyo” ayuu warbaahinta u sheegay wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi.

Ku dhowaad 500 oo loor oo dhuxul ah ayaa saaran , gaadiidka ay saakay ciidamada aminga Galmudug ay qabteen, sida ilo xog-ogaal ah ay HOL u sheegeen ..

Dalka Soomaaliya waxaa ka mamnuuc ah in dhirta la jaro oo la gubo, si dhuxul loogu badelo islamarkaana la dhoofiyo, iyadoo keeni karta arrintaasi xaaluf ku yimaado deegaanka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Oline
[email protected]