
newsinside“Ganacsiga Soomaalida 60% wuxuu ku yaal agagaarka jidka Lake Street oo ah dariiqii ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaa soo gaaray khasaare weyn, dhammaantood ganacsiyadaas waa la xiray, waxayna u badan yihiin maqaayado, xawaalado iyo suuqyada dharka” ayuu yiri Kaahin oo la hadlayay Hiiraan Online, wuxuuna intaas ku daray inay adagtahay sidii gacansatadaas uga soo kabsan lahayeen khasaaraha soo gaaray.
“Rabshadaha ka hor waxaa gacansiga Soomaalida saameeyay weyn ku yeeshay COVID19, labadii bilood ee la soo dhaafana hoos u dhac weyn ayaa jiray, rabshadaha hada socdana waa uga sii dareen” ayuu sii raaciyay Kaahin.
Maqaayado dhowr ah oo ay ka mid tahay Mama Safia’s Kitchen ayaa ka mid ah goobaha ganacsi ee Soomaalidu leedahay ee la gubay. Sidookale waxaa dhibaato la gaarsiiyay xarunta Jigjiga Mall oo ay ku yaallaan ganasiyo dhowr ah.
Soomaalida deggan magaalooyinka St. Paul, Rochester iyo St. Cloud ayaa iyaguna qaba cabsi ku aadan fiditaanka mudaaharaadkan.
Inkastoo magaaladda Minneapolis la galiyay bandaw billaabanaya 8pm maqribno, kuna eg 6am, hadana waxaa weli socda rabshadaha ay wadaan dadkii ka carooday dilkii Isntiintii ee George Floyd. Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Watz iyo duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa si wada jir ah baaq ugu diray dibad baxayaasha, hase yeeshee weli waa xoogeysanayaan rabshaduhu.
Faarax Blue, Hiiraan Online
Minneapolis, Minnesota