4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Soomaaliya oo maanta laga helay 51 xaalad oo ah COVID-19, iyo xanuunka oo kusii fidaya gobollo ka fog caasimadda
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxey sii daaysay warbixintii maalilaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka Covid-19, waxaana lagu sheegay in maanta oo qura ay soo kordheen 51 xaalad, halka 10 bukaan ay ka bogsoodeen xanuunkaan, sida lagu sheegay Warbixinta dowladda Soomaaliya ay sii shaacisay.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid kamid ah dadkii la xanuunsanaa cudurkaan uu maanta u geeriyooday, taas oo kor u sii qaadeysa bukaannaa ugu dhimanaya Soomaaliya COVID-19.

Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Soomaaliya marwo Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo lagasoo duubay muuqaal  ayaa waxay sheegtay in dadka maanta xanuunka laga helay ay kala yihiin 32 rag iyo 19 haween ah. Laakiin wasiirku ma aysan sheegin dadka guud ahaan maanta la baaray iyo haddii ay jiraan shakhsiyaad laga waayay, sida waddamada kale ay ku sheegaan warbixinnadooda.

Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee uu xanuunka COVID-19 kusoo ritay bukaannada sida ku cad warbixinadda wasaaraddu ay sii daaysay, 37 kamid ah dadka maanta laga helay waxay ku noolyihiin Muqdisho, halka 12 ruux lasoo sheegay in ay ku suganyihiin Puntland,  2 xaaladna waxaa laga helay Galmudug.

Wadarta guud xanuunka Coronavirus waxa uu soo ritay guud ahaan Soomaaliya bukaanno gaaray  722 ruux, waxaa ka bogsooday 44 qof halka ay u dhinteen 32 ruux, sida lagu sheegay warka dowladda kasoo baxay.

Soomaaliya waxay hadda kamid tahay waddamada safka hore xagga dhimashada uga jira xanuunkan gobolka geeska Afrika.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho