4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
NUSOJ oo sheegtay in weerarrada ka dhanka xoriyadda saxaafadda ay hoos u dhigayaan saxaafad madax-bannaan

Axad, May 3, 2020 (HOL) - Ayadoo ay maanta ku beegan tahay Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3da May ayuu Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ sheegay in afartii bilood ee ugu dambeysay  saxaafadda iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed lagu soo qaaday weerarro aad u culus oo ka imaanayay dhinacyo badan.

Ugu horeyn ururka NUSOJ waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u diray suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ayagoo khatar ay soo wajaheyso ku dadaalaya in ay bulshada Soomaaliyeed usoo waramaan.

NUSOJ ayaa waxay diiwaan gelisay 13 dhacdo oo ka dhan ah xoriyadda saxaafadda Soomaaliya kuwaasoo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Burhakaba, Baydhabo, Bule Burte, Gaalkacyo iyo Garoowe.  

Dhibaatada ugu badan ayay NUSOJ sheegtay in ay saxafiyiinta dhawaanahay kasoo gaarayeen maxkamadeyn lagu hayo wariyaasha ayaga oo loo isticmaalayo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee la meel mariyay sanadkii 1964.

NUSOJ waxay hoosta ka xariiqday in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed uu yahay mid dug ah oo aan la jaan qaadeynin dastuurka dalka iyo nidaamyada caalamiga ah ee xoriyatul qowlka iyo cabirka ra’yiga.

“Xoriyadda saxaafad kama hadli kartid haddii ay wariyaasha ku shaqeynayaan handadaad iyo xarig si loo aamusiyo oo aysan ka hadlin xaqiiqda. Ma aha in qof suxufi ah oo shaqadiisa ku jiro in dambiila laga dhigo” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

NUSOJ ayaa ugu baaqday in la joojiyo eedaha loo heysto suxufiyiinta, in xeerka ciqaadta Soomaaliyeed lagu sameeyo dib u eegis, in uunan madaxweynaha saxiixin xeerka saxaafada iyo in la meel mariyo sharci fududeynaya sidii ay dadka xogo u heli lahaayeen.

Hiiraan Online, News Desk