4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Daahir Maxamuud Geelle “ Dowladdu waxay saxafiyiinta u caburineysaa diiditaan ah in khaladaad jiro la sheego”
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) - Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle oo horay laba jeer wasiir ugasoo noqday wasaaradda warfaafinta ee dalka ayaa ka hadlay xaaladda waddanka, gaar ahaan heerka ay taagantahay  xoriyadda saxaafadda madaxa bannaan iyo cabirka afkaarta ee xilligan ka jirta gudaha Soomaaliya .

Wasiirkii hore ee warfaafinta, haddana ka mid ah siyaasiyiinta ugu meeqaamka culus dalka ee ka aragtida ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in marka lagu sameeyo xooraansi hoose marxaladda ay wajahaan suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa bannaan ay cabbir ahaan kasii hooseeyso halkii ay taagneyd markii uu talada dalka la wareegayay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ee dowladdiisii lagusoo dhisay Jamhuuriyadda Jabuuti, gaar ahaan Magaalada Carta.

Xilligaas waxaa Soomaaliya ka jiray colaado sokeeye, weriyayaashuna awood uma aaney laheyn, in meeshii ay doonaan kasoo tebiyaan sheekooyinka ay u baahdaan.

Daahir Geelle oo la hadlayay Telefashinka maxalliga ah ee Goobjoog ayaa waxa u qeexay in micnaha saxaafadda oo la cubburiyo ay tahay  hoggaanka dowladda oo doonaya in ay shacabka ka qariyaan wax badan oo ay halleeyeen, taasina aysan aqbali Karin dimuquraadiyadda Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay  Soomaaliya oo isku diyaarineysa doorasho dhammaadka sanadkaan iyo bilowga sanadka soo socda, haddii saxaafadda lagu hayo cadaadiska ay iminka wajaheyso, suura-gal ma tahay in doorashadaasi xalaal noqoto?, waxa uu  Daahir Geelle ku jawaabay.

”Annaga khalad in xaq lagu hor-istaago ma rabno, saxaafadda oo looga caga-jugleeyo, la caburiyo amma la cadaadiyo waa khalad dalka iyo dantiisa kasoo horjeedo, dastuurkiisana dumineysa, khaladkaasna ma rabno in la yiraahdo, in looga faa’ideysto doorashooyin sax ah lama gaaro karo. Doorashooyinka in la qabto waa xaq , saxaafadda xorta ahna waa xaq kale , saxaafadda xorta ahna waxay damaanad u tahay in ay doorashooyin nadiif ah dalka ka dhacaan”.

Ugu dambeyntii wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa uu soo jeediyay in la aqbalo  madax bannaanida saxaafadda iyo  cabbirka fikirka siyaasiga ah, taas oo sal u ah dimuquraadiyada Soomaaliya ay dooneyso in ay gaarto, waxa uuna hadalkiisan kusoo aadayaa iyadoo dunida loo dabaal-degayo maalinta madax bannaanida saxaafadda xorta ah ee Adduunka.

Soomaaliya, sanadihii u dembeeyay waxaa kor usii kacayay dhibaatooyinka loo geysto saxafiyiinta, iyadoo la xiray weriyayaashii ugu badnaa, halka kuwa kalena ay ka barakaceen waddanka, dowladda Soomaaliya oo dhowr jeer la eedeyayna kama aaney bixin jawaab qancisay dhinacyada u dooda warbaahinta iyo Ururada xuquuqda Aadanaha ee horay u eedeeyay.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho