4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Puntland oo faahfaahin ka bixisay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo ay ku leedahay galbeedka Gaalkacyo
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha gobolka Mudug dhinaca Puntland, Axmed Muuse Nuur, ayaa sheegay in koox shufto ah oo kasoo jeeda Galmudug ay xalay weerareen saldhig ciidanka Puntland leeyihiin oo lagu magacaabo Teerage oo kuyaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu ciiddanka Puntland kaga dhintay hal askari, halka dhinaca kalena uu kaga dhintay mid kamid ah shuftadii weerartay ciidanka.

Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, ayaa sheegay in falkaan uu yahay isku day lagu doonayayo in lagu carqaladeeyo nabad gelyada gobolka Mudug iyo wada shaqaynta Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu qiray in falkaan aysan Galmudug iyo qabaailada koonfurta Mudug wax lug ah ku lahayn, balse ay u aqoosan yihiin abaabul ay ku lug leeyihiin kooxo isbahaystay oo doonaya inay colaad ka dhex kiciyaan dadka wada gobolka Mudug.

Waxaa guddoomiyuhu sheegay in ciidamo Puntland ah la geeyay xerada la wareeray si loogu xoojiyo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Puntland is xakamaysay oo aysan ku talo jirin inay qaado tilaabo ka dhan ah dadkii weerarka soo qaaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online