4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Puntland: 12 qof oo cusub oo laga helay Covid 19
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) -Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa xaqiijiyey inay korortay tirada dadka laga helay cudurka Covid19.

Wasiirka ayaa cadeeyay in la baaray 20 ruux oo 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, xanuunkana laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga wayay.

Da’dooda ayaa udhaxaysa 15jir ilaa 65jir

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23ruux, uuna hal bukaan ahna uu ugeeriyooday xanuunka.

Puntland ayaa maalmihii uu dambeeyay uu hakad ku jiray arimaha baaritaanka cudurka Covid19, iyadoo maamulku ku mashquulsanaa gurmadka Qardho.

Dhinaca kale, muwaadiniin Ethiopian ah oo ka tagay magaaladda Bosaso ayaa markii ay ku laabteen dalkooda laga helay cudurka Covid19, waxaana taasi ay sababtay in  Ethiopia ay adkaysay in loogasoo gudbo xadkeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online