4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2020
Wararkii ugu dambeeyay dibadbaxa rabshadaha wata ee ka socda Minneapolis, Minnesota


Jimco, May 29, 2020 (HOL) - Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa maalintii sadexaad ka socda muhaaraadyo rabshado wata, kuwaas oo lagu dalbanaayo in la soo xiro saraakiishii ciidanka booliska ee lagu eedeeyay inay dileen George Floyd oo ahaa African-American.

Dibad baxayaasha oo ku qeylinaya “Ma neefsan karo” oo ahaa eraygii ugu dambeeyay ee Floyd yiraahdo inta uusan dhiman ayaa ku sii jeeda faras magaalaha Minneapolis, waxaana laga qabsi qabaa in dab hor leh ay qabadsiiyaan xarumo iyo dhismeyaal muhiim ah.  Waxaa la gubay dhowr xarumood oo ay leeyihiin ciidamada booliska Minneapolis iyo goobo ganacsi oo dhac iyo dab la iskugu daray. Ciidamada gaarka ah ee National Guard ayaa lagu amray inay xoojiya kuwa booliska, waxaana 500 oo ka mid ah ay saaka ku soo biireen xakameynta rabshadahan.

Duqa magaaladda Minneapolis Jacob Frey ayaa bannaan baxayaasha ka codsaday in la ilaaliyo xassiloonida, si nabad ahna dareenka shacabka loo muujiyo. “Wixii dhacay maalmihii ugu dambeeyay wax la aqbali karo maahan, waxaan codsaneynaa in magaalada laga taxadaro” ayuu yiri Frey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna ku hanjabay inuu soo faragalin doono arrinta Minneapolis haddii aan la xakameyn rabshadaha socda. Wuxuuu sheegay inuu la hadlay guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz. “Ma daawan karo waxaa ka socda magaalada Minneapolis” ayuu tweeterkiisa ku soo qoray.

Waxaa sidoo kale xoogeysanayaa baaqa ku socda xeer-ilaaliyaha degmada Mike Freeman, kaas oo looga codsanayo inuu soo xiro askari jilinkiisa ku dilay Floyd, waxaana la aaminsanyahay in haddii la soo xiro ay xaalddu degi doonto.

Xeer-ilaaliyaha Gobolka Minnesota, Keith Ellison ayaa isna sheegay inuu rajeynayo in dhawaan dacwo lagu soo oogi doono saraakiishii ku lugta laheyd geerida Floyd. “Si kasta oo aan awoodno oo taxadar iyo dhaqso leh ayaan uga qeyb qaadaneynaa arrintan” ayuu yiri.

Dibad baxan wuxuu ku fiday gobolo badan, waxaana ka mid ah gobolka New York oo lagu xiray 72 qofood. Gobolada kale ee ka coarooday dilkii Floyd waxaa ka mid ah Arizona, Tennessee, Ohio iyo Colorado.

Qoyska Floyd iyo hoggaamiyeyaasha dadka laga tira badan yahay ayaa iyaguna dibad baxayaasha ka codsaday in rabshaha la joogiyo, si nabad ahna loo muujiyo carada laga qaaday dilkii George Floyd.

Faarax Blue, Hiiraan OnlineMinneapolis, Minnesota