4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2020
Ciidamada Galmudug oo la wareegay bara koontarool oo muhiim ah


Jimco, May 29, 2020 (HOL) - Wasaaradda amniga gudaha  Maamulka Galmudug ayaa waxay baro koontarool oo lagu qaado canshuurta ku wareejisay wasaaradda maaliyadda maamulkaasi, kadib dadaal adag oo maalmihii ugu dembeeyay halkaasi ka socday.

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in howllo adag oo la galay ay horseedday in laga guuleysto maleeshiyaad ku sugnaa baraha hadda lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda .

Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Galmudug  ayaa lagu wareejiyay koontaroolka weyn ee magaalada Gaalkacyo  , iyadoo ay goob joog ahaayeen ciidamada ilaalada Canshuuraha .

Tan iyo wixii ka dembeeyay markii wasiirka ammaanka Galmudug loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi waxa uu dardar ku waday arrimaha xasilinta nabad-gelyada, iyadoo arrintaan durbaba ay soo dhoweeyeen dadka deegaanka .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]