4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2020
Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ka cararay gobolka Mudug oo gaaray gobolka Bari
 

Khamiis, May 28, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 60 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa doon ku tagay Tuulada Hul Aanood ee Gobolka Bari, sida uu qoray bog ka faallooda wararka ururada argigixisada oo la yiraahdo intelligencebriefs.

Maleyshiyaadka Al-shabaab waxaa la sheegay inay ka carareen degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciiddan oo ay waddaan ciidanka milatariga Soomaaliya oo doonaya inay Al-shabaab ka saaraan gobolada dhexe.

Qulqulka cusub ee Al-shabaab wuxuu qeyb ka yahay qorshe ay ku xoojinayaan awoodooda dhulka buuralayda Puntland sidoo kalena ay ku helayaan gabbaad ay kaga dhuuntaan beegsiga duqeymaha Maraykanka.

Gobolka Bari waa goobta kaliya oo ay kooxaha Shabaab iyo Daacish kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Puntland.

Labada koox waxay horey u qabsadeen dhulal kala duwan oo kuyaala tuulooyinka fog fog ah ee gobolka Bari halkaasoo uu midba midka kale ku weeraro.

Hiiraan Online News Desk