4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 28, 2020
Xiisad Colaadeed oo ka soo cusboonaaneysa magaalada Baladxaawo
 

Khamiis, May 28, 2020 (HOL) - Xiisad colaadeed ayaa laga soo sheegayaa  magaalada xuduuda Soomaaliya ee Balad-Xaawo iyada oo ay jiraan warar sheegaya in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu u diray ciidamo badan oo u diyaar garoobaya la dagaallanka ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi ay ka qabaan in dagaalo cusub ka dhex-qarxaan gudaha magaalada Balad Xaawo iyadoo dhawaqa rasaasta goos goos ah laga maqlayo magaalada gudaheeda. 

Waxaan ka cabsi qabnaa in dagaalku qarxi karo waqti walba sababta oo ah ciidamada Jubbaland oo uu hogaaminayo Cabdirashiid Janaan, oo sida la sheegay ka baxsaday xabsi kuyaala magaalada Muqdishu, ayaa u soo dhowaaday magaalada waxaana suuragal ah inay qaadaan weerar gaadmo ah." ayuu yidhi qof deegaanka ah.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, ayaa ugu yaraan toban qof ku dhinteen kumanaan kalana ka barokaceen ka dib dagaalo halkaas ku dhex-maray labada ciidan..

Labada ciidan ayaa la sheegay inay raadinayeen gacan ku haynta magaalada Bulahawaay ee gobolka Gedo, iyadoo warar kale ay sheegayeen in ciidamada dowladda Soomaaliya ay doonayeen inay soo xiraan wasiirka amniga Jubbaland oo ka baxsaday xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]