newsinsideWasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in labada maamul ku heshiiyeen sidii loola dagaalami lahaa cid kaste oo amniga Qatar ku ah.
Wasiir Dhabancad waxa uu sheegay inay labada maamul ka midaysan yihiin dagaalka ka dhan ah argigixisada islamarkaana shacabka labada dhinac laga saaridoono kala shakiga iyo in cadowgu ka faa’idaysto.
Kulanka masuuliyiintaan ayaa yimid maalmo kadib markii Gaalkacyo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Axmed Muuse Nuur.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]









