4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
Dagaal qasaaro dhaliyay oo u dhaxeyay ciidanka dowlada iyo Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan


Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano hoostaga Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeyay ciidanka dowlada iyo kooxda Al-shabaab, waxaana lasheegay in aay ka dhasheen qasaaro kala duwan.

Dad ku sugan magaalada Jalalaqsi ayaa HOL u sheegay in dagaaladu aay ka dhaceen Ceelbacad, Afcad iyo Abooreey oo ka kala tirsan magaalooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Sarakiisha ciidanka dowlada ayaa guulo ka sheegtay dagaalka waxaana aay sheegeen inaay qaadeen weerar xoogan islamarkaana aay qasaaro gaarsiiyeen dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.  Dhame Cabdikhaadir Cali Nuur oo ah taliyaha ururka 41 ee guutada shanaad ayaa warbaahinta dowlada u sheegay inaay Al-shabaab ka dileen 13 askari islamarkaana aay ka qaateen saanad iyo raashin.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku aadan dagaalkan iyo guulaha ciidanka xooga dalka.

Dhawaan ayaay ahaayd markii taliska qeybta 27 ee CXD aay sheegeen inaay ku howlanyihiin dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Abdirisak M. Abdulle, Hiiraan Online