newsinsideMadaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada xarunta, waxaana aay sheegeen in qalab muhiim ah uu ka dhimanyahay xarunta.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo dhameeystiro qalabeeynta xarunta, waxaana uu baaq u jeediyay howlwadeenada xarunta isagoo ku booriyay inaay laba jibaaraan ka hortaga iyo wax ka qabashada Covid19.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay inaay fureen xarunta cusub ee wacyigalinta Covid19, islamarkaana shacabka loogu adeegi doono.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lakulmay ciidanka AMISOM isagoo kala hadlay iskaashiga amniga iyo inaay la shaqeeyaan maamulka cusub ee gobolka Hiiraan.
Hirshabelle waxaa si hoose ugu faafay fayriska Karoona, mana jirin xarumo wax looga qabto xanuunka, balse xaruntan ayaa ka qeyb-qaadan doonta wacyigalinta bulshada.
Abdirisak M. Abdulle, Hiiraan Online








