4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
WHO oo joojisay daraasad ku saabsan daawada duumada in loo isticmaalo Covid-19
 

Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu si ku-meel-gaadh ah u hakiyey tijaabooyin ku saabsan hydroxychloroquine oo loo addeegsanayay in lagu daweeyo cudurka safmarka ah 'Covid-19'.

Hay'adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Maarso biloowday tijaabooyin caalami ah oo ku saabsan dawooyin kala duwan oo dadka lagu soo celiyo si ay u bilaabaan raadinta daweynta Covid-19.

Laakiin Isniintii, WHO ayaa sheegtay in xannibaadda ay keentay walaac xagga amniga ah oo la xiriira bukaannada Covid-19.

Hydroxychloroquine waa daawo loo isticmaalo ka hortagga iyo daweynta duumada.

Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu sheegay in iyadoo la tixraacayo warqad la daabacay usbuucii hore oo muujineysa dadka qaadanaya hydroxychloroquine inay halis sare ugu jiraan dhimashada iyo dhibaatooyinka wadnaha, waxaa jiri doona hakad ku meel gaar ah oo ku saabsan hydroxychloroquine.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]