4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2020
Jubbaland oo shaacisay goorta la qabanayo imtixaanaadka shaadiga ah dugsiyada ku yaalla deegaannadaas
 

Isniin, May 25, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay goorta rasmiga ah ee la qaadayo imtixaanaadka shahaaddiga ah ee dugsiga sare iyo kan hoose iskuullada ku yaalla deegaankaas.

Imtixaanka oo lagu waday in ardaydu ay galaan 06- bisha June ayaa dib loo dhigay,  waxaana la shaaciyay in loo fadhiisan doono 11-bisha July sida ku xusan warqadda maanta kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Jubbaland.

Inkastoo maamulkaasi uu khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo dowladda dhexe ee Soomaaliya , haddana ma jirto war kasoo baxay wasaaradda waxbarashada dowladda dhexe oo lagu ayidayo amma lagu diidayo go’aanka maamulka Jubbaland.

Xanuunka COVID-19 yaa waxa uu saameyn ku yeeshay  waxbarashada dalka , iyadoo la xiray Iskuulladii iyo Jaamacadihii waddanka guud ahaanba.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]