4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 25, 2020
Cabdixakiin Dhoobo daareed: Madaxweyne Deni wuxuu xaqiray xuquuqdii yarayd ee uu dastuurku siiyay madaxweyne ku xigeenka
 

Isniin, May 25, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed), ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu masuul ka yahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa.

Mr, Dhoobo oo bixiyay wareysi dheer ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu kasoo horjeedo in talada Puntland ay wax ku yeeshaan dadka ugu dhow ee la shaqeeya sida madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka barlamaanka.

Waxaa uu sheegay khilaafka isaga iyo Axmed Karaash inuu ka dhashay markii madaxweynuhu uu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa. Wuxuuna tilmaamay inuu kamid ahaa dadkii xalliyay khilaafkaas si uusan bannaanka ugusoo bixin.

“ Madaxweynuhu wuxuu dulmiyay xuquuqdii yarayd ee uu dastuurku siiyay madaxweyne ku xigeenka, oo ah inuu la tashado. Tashigu sidiisaba waa dastuuri khasab ah inuu madaxweynuhu la tashado ku xigeenkiisa,” ayuu yidhi Mr. Dhoobo.”

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka ayaa sheegay Puntland in aysan kusii jiri karin in ay talada gacanta ugu jirto madaxweyne Deni iyo kooxdiisa oo kaliya, isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay in dastuurku sareeyo.

Cabdixakiin Dhoobo daareed, ayaa xilka looga tuuray mooshinka uu qabsoomidiisu dhiig ku daatay todobadii bishii November ee sanadkii hore kadib markii ay is khilaafeen isaga iyo madaxweyne Deni.

Maalmo kadibna waxaa laga xayuubiyay xubintii barlamaanimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]